Loading surah...
Back to Somali Quran
78 Ayahs • Meccan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ ٱلرَّحْمَٰنُ
(Eebaha) Raxmaan ah.
عَلَّمَ ٱلْقُرْءَانَ
Wuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ
Dadkana wuu abuuray.
عَلَّمَهُ ٱلْبَيَانَ
Wuxuuna baray dadka (Hadalka).
ٱلشَّمْسُ وَٱلْقَمَرُ بِحُسْبَانٍۢ
Qorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
وَٱلنَّجْمُ وَٱلشَّجَرُ يَسْجُدَانِ
Xiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
وَٱلسَّمَآءَ رَفَعَهَا وَوَضَعَ ٱلْمِيزَانَ
Samadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
أَلَّا تَطْغَوْا۟ فِى ٱلْمِيزَانِ
Si aydaan uga gudbin Caddaaladda.
وَأَقِيمُوا۟ ٱلْوَزْنَ بِٱلْقِسْطِ وَلَا تُخْسِرُوا۟ ٱلْمِيزَانَ
Miisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
وَٱلْأَرْضَ وَضَعَهَا لِلْأَنَامِ
Dhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
فِيهَا فَٰكِهَةٌۭ وَٱلنَّخْلُ ذَاتُ ٱلْأَكْمَامِ
Dhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
وَٱلْحَبُّ ذُو ٱلْعَصْفِ وَٱلرَّيْحَانُ
Xubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
خَلَقَ ٱلْإِنسَٰنَ مِن صَلْصَٰلٍۢ كَٱلْفَخَّارِ
Dadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
وَخَلَقَ ٱلْجَآنَّ مِن مَّارِجٍۢ مِّن نَّارٍۢ
Jaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
رَبُّ ٱلْمَشْرِقَيْنِ وَرَبُّ ٱلْمَغْرِبَيْنِ
Ilaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
فَبِأَىِّ ءَالَآءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ
Nicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
مَرَجَ ٱلْبَحْرَيْنِ يَلْتَقِيَانِ
Eebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
بَيْنَهُمَا بَرْزَخٌۭ لَّا يَبْغِيَانِ
Dhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
Page 1 of 4 (78 ayahs)