Loading surah...
Back to Somali Quran
44 Ayahs • Meccan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ سَأَلَ سَآئِلٌۢ بِعَذَابٍۢ وَاقِعٍۢ
Midbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
لِّلْكَٰفِرِينَ لَيْسَ لَهُۥ دَافِعٌۭ
Caddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
مِّنَ ٱللَّهِ ذِى ٱلْمَعَارِجِ
Waxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
تَعْرُجُ ٱلْمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيْهِ فِى يَوْمٍۢ كَانَ مِقْدَارُهُۥ خَمْسِينَ أَلْفَ سَنَةٍۢ
Ee Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
فَٱصْبِرْ صَبْرًۭا جَمِيلًا
Ee Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
إِنَّهُمْ يَرَوْنَهُۥ بَعِيدًۭا
Gaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
وَنَرَىٰهُ قَرِيبًۭا
Annaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
يَوْمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلْمُهْلِ
Caddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
وَتَكُونُ ٱلْجِبَالُ كَٱلْعِهْنِ
Buuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
وَلَا يَسْـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمًۭا
Sokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
يُبَصَّرُونَهُمْ ۚ يَوَدُّ ٱلْمُجْرِمُ لَوْ يَفْتَدِى مِنْ عَذَابِ يَوْمِئِذٍۭ بِبَنِيهِ
Wayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ
Haweenaydiisa, Walaalkiis.
وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِى تُـْٔوِيهِ
iyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
وَمَن فِى ٱلْأَرْضِ جَمِيعًۭا ثُمَّ يُنجِيهِ
iyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
كَلَّآ ۖ إِنَّهَا لَظَىٰ
Saas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
نَزَّاعَةًۭ لِّلشَّوَىٰ
Waxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
تَدْعُوا۟ مَنْ أَدْبَرَ وَتَوَلَّىٰ
Waxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
وَجَمَعَ فَأَوْعَىٰٓ
Xoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
۞ إِنَّ ٱلْإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا
Dadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعًۭا
Haddii dhib taabto wuu argagaxaa.
Page 1 of 3 (44 ayahs)