Loading surah...
Back to Somali Quran
56 Ayahs • Meccan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ يَٰٓأَيُّهَا ٱلْمُدَّثِّرُ
(Nabiga) Isadadayow.
قُمْ فَأَنذِرْ
Istaag oo dig.
وَرَبَّكَ فَكَبِّرْ
Eebahaana waynee.
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرْ
Dharkaagana daahiri.
وَٱلرُّجْزَ فَٱهْجُرْ
Xumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).
وَلَا تَمْنُن تَسْتَكْثِرُ
Hana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).
وَلِرَبِّكَ فَٱصْبِرْ
Eebahaa Dartiisna u Samir.
فَإِذَا نُقِرَ فِى ٱلنَّاقُورِ
Marka Suurka (yiaame) la Afuufo.
فَذَٰلِكَ يَوْمَئِذٍۢ يَوْمٌ عَسِيرٌ
Maalintaasu waa maalin ku Daran.
عَلَى ٱلْكَٰفِرِينَ غَيْرُ يَسِيرٍۢ
Gaalada oon u Fududayn.
ذَرْنِى وَمَنْ خَلَقْتُ وَحِيدًۭا
Isukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.
وَجَعَلْتُ لَهُۥ مَالًۭا مَّمْدُودًۭا
Una yeelay Xoolo Badan.
وَبَنِينَ شُهُودًۭا
Iyo Wilaal Jooga oo «Darban».
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمْهِيدًۭا
Aan una waasiciyay Risqiga.
ثُمَّ يَطْمَعُ أَنْ أَزِيدَ
Oo haddana sii damci inaan u Badiyo.
كَلَّآ ۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِءَايَٰتِنَا عَنِيدًۭا
Saas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.
سَأُرْهِقُهُۥ صَعُودًا
Waxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ
Gaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
فَقُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
Waxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
ثُمَّ قُتِلَ كَيْفَ قَدَّرَ
Haddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
Page 1 of 3 (56 ayahs)